Faaf faahin kasoo baxday qaraxi ka dhacay degmada Luuq iyo Al Shabaab oo sheegtay

Faah faahin ayaa kasoo baxday qaraxi maanta ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo kaasi oo sababay qasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ilaa iyo 4 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen marki qarax lala beegsaday baabuur xambaarsanaa booyad oo biyo ka dhaaminayey ceel ku yaala Luuq, iyadoo isla goobta ay ku dhinteen sadex ruux.

Dad goob joog ahina waxay sheegeen in qof kale uu ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee qaraxa lala beegsadya.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyaan qaraxaasi oo ahaa kii ugu horeeyey ee ka dhaca degmada Luuq sanadkaan 2012.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.