Faa-faahino kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay Xero ay Al-shabaab ku lahaayeen D.diinsoor

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay xero milatari oo ay Al-shabaab ku lahaayeen magaalada Diinsoor, ee gobolka Bay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo horay u ahaan jirtay garoon lagu Ciyaaro Basketka, balse markii danbo ay Al-shabaab ka dhigteen xaruun milatari, ayaa waxay ku taalaa Xaafada Yaaqshiid ee degmada Diinsoor.

Dad ka agdhow goobta uu qaraxa kadhacay ayaa qaar kamid ah warbaahinta u sheegay in qaraxa uu ahaa baabuur ay Al-shabaabku ku diyaarinayeen goobta, balse qalad kadhashay darted uu iyagii ku qarxay, waxaana halkaas ku naf waayay dhamaan ragii diyaarinayay qaraxa iyo saraakiil katirsan shabaabka.

Sidoo kale wararka soo baxaya ayaa sheegaya, in gaarigaan qarxay loola dan lahaa in lagu qarxiyo bartilmaameedyo ku yaala magaalada Baydhabo, oo ay hada maamusho doowlada Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in sidaanoo kale bilawgii bishaan shabaabka uu qasaaro xoogan kasoo gaaray baabuur ay ku diyaarinayeen degmada Buula-burde, ee gobolka Hiiraan, waxaana halkaas uga dhintay ku dhawaad 15 qof.

Al-shabaab ayaa hada dagaalkooda kusoo koobay isqarxin, dilal qorsheeysan iyo miino aasid, laakiin qaraxyada ay diyaariyaan ayaa badanaa waxay noqdaan kuwo fashilmo ama mid ay iyagu ku halaagsamaan.

Waxaa jirtay maah maah soo caan baxday waayadii danbo taasoo ah “qaldaa ma qaldo” oo micnaheedu yahay hadii Al-shabaab qaraxa ay diyaarinayeen iyaga ku qarxo uusan qaldamin maadaama larabay in dad lagu laayo, taasoo micnahedu yahay qaraxa marwalbo dad ayaa ku dhiman lahaa

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here