Arsenal afka ciidda loo daray

Everton oo xasuuqday Arsenal
Everton oo xasuuqday Arsenal

Kooxda Everton ayaa galabta xasuuqday kooxda Arsenal cayaar ka tirsan horyaalka Ingiriiska Premier League.

Cayaarta oo ka dhacday garoonka Goodison Park  ee magaalada Liverpool waxa ay ku dhammaatay 3 iyo 0 oo lagu dubtay Arsenal.

Goolasha kooxda Everton waxaa u kala dhaliyay Steven Naismith, Romelu Lukaku iyo gool uu iska dhaliyay Mikel Arteta.

Kooxda Everton ayaa soo gashay kaalinta afaraad waxaana ay hadda ku rajo weyn taahy in ay u soo baxdo horyaalka Champions.

Guuldarrada kooxda Arsenal waxa ay dhabar jab ku tahay macallinka reer France ee Arsen Wengar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here