Euro2012:Spain oo Rabta ineey Xoojiso Taariikhdeeda Iyo Italy oo Talada Saartay Pirlo

Garoonka olompic ee magaalada Kiev wadanka ukrine waxaa cawada kubalansan xulka spain oo cawada doonaya inuu taariikh udhigo kubadda cagta iyo italy, hadii cawada spain ay qaadoo tartanka Euro 2012 waxa ay noqon doontaa xulkii ugu horeeyay taariikhda kubadda cagta ee ku guuleeysta 3 tartan oo waaween iskuna xigga.

Xulka Germany ayaa todobaatameeyadii kusigtay inuu sameeyo rikoor ah inuu 3jeer oo isku xigta ku guuleeysto 3 tartan oo waaween, Germany ayaa 1972 waxay qaadeen tartanka Euro sidokale waxay qaadeen koobkii dunida ee 1974 laakiin waxay ku guul dareysteen ineey qaadaan tartankii 3aad oo isku xiga kaasoo ahaa Euro 1976 waxaana rigoorayaal 5-3 kaga qaaday xulka tashikoslofaakiya

Dhanka kale xulka italy oo ah xulka cawada laciyaari doona spain ayaa waxa uu ahaa xul aan lafileen inuu soogaaro heerkan ama kama danbeysta Euro 2012 bilawgii tartankan,maxaa yeelay labadii kulan ee ugu horeesay waxa uu galay bareejayaal isagoo badiyay kulankii ugu danbeeyay waxayna rajadiisa ku xirnayd ciyaartii dhexmareysay xulalka spain iyo Croatia oo hadii croatia ka adkaan lahaayeen xulka spain sidaa ayuu ku hari lahaa xulka Azzuri, laakiin nasiib wanaag waa uu soo baxay kadib markii lagaraacay xulka Croatia.

Wiilasha Prandeli ayaa waxay ay si xarago leh uga soo kala badiyeen xulalkaEnglandiyoGermanywaxayna soo bandhigeen ciyaaro aad loo jecleystay sidokale waa xulka kaliya ee haysta daafacyada ugu wanaagsan inta uu tartankan socday

Pirlo ayaa ah kabtanka darawalka ka ah doonta talyaaniga waana ciyaaryahanka ay cawada talyaaniga kasugayaan inuu wax u qabto sidokale Mario Ballotteli ayaa ah ninka labaad ee ugu muhiimsan isla markaasna lafilayo inuu cawada wacdaro kadhigo garoonka

Dhanka kale goolhayaha xulka italy Buffon ayaa aad u amaanay ciyaartoyda xulka spain waxa uuna ku tilmaamay ineey yihiin xulka dunida ugu wanaagsan isla markaasna usharaxan ineey ku guuleeystaan tartankan Euro 2012 laakiin waxa uu tilmaamay in talyaanigana dab yar aysan shidi doonin ciyaarta cawada oo ay kayabin doonaan jamaahiirta sida ay horayba uga soo yabiyeen maadaama aan lays laheen waxay soo gaarayaan kama danbeysta kobkan

Buffon waxa uu sheegay inspainay leeyihiin laacibiin aad ufarabadan oo dhan walba kadhisan sida daafaca qadka dhexe iyo weerarkaba waxa uu tilmaamay ineey dhibtahay in lasheegokanugu laacibsan maxaayeelay dhamaantood makala liitaan ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Prandeli oo ah tababaraha xulka talyaaniga ayaa waxa uu cawada ciyaari doonaa shaxda ah 4-4-2 waana shaxdii uu kaga soo adkaaday xulkaEngland, kulanka cawada ay kaga horjeedaanspainDaniel Derosi waxaa markale loo celiyay inuu kaabo daafaca danbe halka pirlo uu ahaan doono ninka qadka dhexe kaqeybinaya kubadda