Eto’o: ma hayo wax aan ku qeexo da’deeda

 

Eto'o: ma hayo wax aan ku qeexo da'deeda
Eto’o: ma hayo wax aan ku qeexo da’deeda

Weerar yahanka kooxda Chelsea, Samuel Eto’o ayaa gaashanka u daruuray wararka sheegaya in uu been ka sheegay da’diisa oo ah 32-jir.

Jose Mourinho ayaa la sheegay in uu sheegay Eto’o in laga yaabo in uu jirro 35 ama 36-jir.

Warkan ayaa soo shaacbaxay markii Talafishanka Canal Plus uu soo duubay war qarsoodi aha.

Balse wariyaasha oo weydiiyay Mourinho warkaas wax ka jirra kulan kii barbardhaca ee 1 iyo 1 ay ku kala baxeen Galatasaray iyo Chelsea Arbacadii ayuu sheegay in aanu wax ka sheegi karin da’da Eto’o xilligan.

Eto’o oo isna la weydiiyay bal in uu been ka sheegay da’dadiisa wuxuu tilmaamay in aanu waxbo ka sheegi karin arrintaas, wuxuuna ku soo gaabiyay “Ma aqaano wax aan ku qeexo da’deeda”.

Wargeysyada ka soo baxa Ingiriiska ayaa maanta oo Khamiis ah si weyn wax uga qoray sheekadan, waxaana ay lee yuhiin Eto’o waa 36-jir. mana jirro 32-jir.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here