Etiopia oo bilaawday ineey Ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya

R/wasaaraha Ethiopia, ayaa sheegay in Ciidamadiisa ay bilaabeen ineey si istiraatiijiyad ah ay uga baxaan wadanka Soomaaliya, iyagoona saldhigyadii ay kaga Sugnaayeen Soomaaliya ay bilaabeen ineey ku wareejiyaan Ciidamada AMISOM.

Wareysi gaar ah uu siiyay wakaalada “Anadolia’ ee laga leeyahay wadanka Turkiga, ayaa R/wasaaraha Ethiopia, waxa uu sheegay in Ciidamadiisa kaga sugan wadanka Soomaaliya ay gudaha Soomaaliya u joogeen sidii ay u taageeri lahaayeen doowlada Soomaaliya, iyo garab siinta Ciidamada AMISOM, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-shabaab.

R/wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in xiligaan magaalada Muqdisho sideedii horee ee Taariikhiga ahayd ay kusoo laabaneeyso, tan iyo markii magaalada lagu doortay afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

R/wasaaraha Ethiopia, oo ay wakaalada wararka Anadolia, wax ka weydiisay awooda Al-shabaab ee xiligaan, ayaa waxa uu sheegay in shabaab haatan aysan lahayn awoodihii hore, waxaana uu sidoo kale sheegay in tan iyo markii Muqdisho looga soo adkaaday shabaabka ay bilaabeen in ay isku aruursadaan meelaha kaymaha iyo buuraleeyda dhaca galbeedka Soomaaliya.

Doowlada Ethiopia, ayaa laba jeer Ciidamo usoo dirtay gudaha wadanka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan koox ay doowlada Ethiopia ku shegtay Aragagixiso, islamarkaasna Qatar ku ah danaheeda dhanka gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here