Ethiopia:IGAD ma faragalin karto arimaha Soomaaliya

Safiirka doowlada Ethiopia ufadhiya Muqdisho C/casiis Aadan oo shalay kahadlayay hanbalyo ay doowlada Ethiopia usoo dirtay ansixinta golaha wasiirada cusub ee Soomaaliya ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay fara galinta ay maalmahaan urur goboleedka IGAD iyo Kenya ku hayaan arimaha Soomaaliya.

Safiirka ayaa ka dhawaajiyay in doowlada Ethiopia ay soo dhoweeyneeyso in baarlamanka Soomaaliya uu ansixiyo golaha wasiirada Cusub ee uu soo magacaabay RW Saacid, waxa uuna balan qaaday in Ethiopia ay si hufan ula shaqayn doonto golahan wasiirada ka kooban 10-ka xubnood.

“Aad baan u soo dhoweyneynaa uguna farxeynaa in xukuumada cusub ee Soomaaliya ay hesho ansixinta baarlamaanka, anagu haddaan nahay xukuumadda iyo shacabka Ethiopia diyaar ayaan u nahay sii wadista xiriirka saaxiibtinimo iyo kan derisnimo ee aan la leenahay Soomaaliya” ayuu yiri danjiraha Ethiopia u jooga Muqdisho

Dhanka kale mar danjire C/casiis Aadan la weydiiyay sida dowlada Ethiopia ay u aragto in urur goboleedka IGAD ay qayb kayihiin maamul usamayta Gobolada Jubooyinka ayaa waxa uu ku jawaabay.

““IGAD waxaa xubin ka ah Soomaaliya, way jirtaa in dawladaha IGAD oo ay Ethiopiana ku jirto ay taageero iyo gacan siinayaan dawlada Soomaaliya, laakiin IGAD awood uma laha inay farageliso arimaha gudaha ee dalka Soomaaliya”.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in doowlada Soomaaliya ay tahay tan awooda uleh maamul usmaynta Jubooyinka IGAD-na looga baahanyahay in eey taageerto uun laakiin aysan soo faragalin arimaha gudaha iyo siyaasada.

Waa markii ugu horeeysay ee ay doowlada Ethiopia si rasmi ah uga hadasho maamul usamaynta Jubooyinka, sidokale hadalkan uu shalay kadhawaajiyay danjiraha Ethiopia ufadhiya Soomaaliya ayaa muujinaya in uu jiro qilaaf weyn oo udhaxeeya doowlada Ethiopia iyo IGAD kuna aadan arimaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here