Hailemariam: “Ethiopia waxa ay diyaar u tahay in ay ka difaacdo Somaliland wax kasta oo uga yimaada Somalia”

Madaxweyne Somaliland iyo Ra'iisal wasaaraha Ethiopia oo Addis ku kulmay
Madaxweyne Somaliland iyo Ra’iisal wasaaraha Ethiopia oo Addis ku kulmay

Doowlada Ethiopia aya ku dhawaaqday ineet taageero dhinac walbo ah siineyso maamulka Somaliland, waxaana ay taageeradaas ku sheegtay ineey kamid yihiin Milatariga, Siyaasada iyo dhanka dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia (Hailemariam Desalegn ) oo kahor hadlayay baarlamaanka wadankaas, aya sheegay ineey adkeeynayaan isbahaysiga doowladiisa ay la leedahay maamulka Somaliland, dhinacyada difaaca iyo bad baadinta dhulkaas, waa sida uu hadalka u yiri.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Somaliland ay ka caawin doonaan kahor tagista qatarada kaga soo wajahan dagaalyahanada Al-shabaab.

Waxa uu yiri: “Ethiopia waxay diyaar u tahay taageero diblomaasi,mid ciidan, iyo mid dhaqaale ineey ku taageero maamulka Somaliland”.

Ra’iisul wasaaraha Ethioia ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Somaliland iyo Ethiopia ay goordhow kala saxiixan doonaan Istiraatiijiyad iskaashi labo dhinac ah, waxa uu tilmaamay in arintaasi doowlada Ethiopia ay ugu xil saartay gudi farsamo oo soo darsaya habka ugu haboon ee lagus ii wadi karo xiriirka Ethiopia iyo Somaliland.

Xubnaha baarlamanka wadankaas ayuu u muujiyay ( Desalegn  ) in Ethiopia aysan dano gaar ah ka lahayn taageerada ay siineyso Somaliland, balse ujeedka uu yahay taageero ay doowladiisa isbahaysi kula noqoneyso maamulkaas.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa waxa uu shaaciyay in Ciidamada doowladiisa ay ka bar bar dagaalami doonaan kuwa Somaliland, ayna tababaro siin doonaan.

Waa doowladii ugu horeysay oo dhacda Bariga afrika ee taageero toos ah u fidisa maamulka Somaliland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here