Ethiopia Oo Samaystay Diyaaradaha Drones-ka

Doowlada Ethiopia, ayaa ku dhawaaqday ineey soo saartay diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn oo ayna dooneyso ineey kula dagaalanto dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Wargeys kasoo baxa wadanka Sudan ayaa waxaa la hadlay sarkaal saroo katirsan Ciidamada wadanka Ethiopia oo shaaca ka qaaday in xiligaan ay suurta galinayaan in diyaarad nuuca aan duuliyaha lahayn ay u adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaabka ka dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa cadeeyay in diyaaradaasi nuuca aan duuliyaha lahayn xiligaan tijaabadeedii ugu horeeysay ay martay, waxaana uu sidoo kale sheegay in saldhigyo dhowr ah dhanka baaritaanada iyo xog uruurinta ay ku leedahay gudaha dalka Ethiopia.

Sarkaalkan ayaa sheegay in diyaaradan ay beegsan doonto saraakiisha ugu sareysa ururka Al-shabaab, gaar ahaan kuwa ajaanibta ah ee ku dhuumaaleeysanaya qaybo kamid ah Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in saraakiil sar saroo Al-shabaab ah ay xiligaan isaga baxsanayaan gudaha Soomaaliya iyagoona gaaraya wadamada jaarka la ah Soomaaliya.

Soodimaha ku dhirirsan Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa waxa ay kala wadaagtaa Ereteria iyo Kenya, Sudan, kuwaasi suurtagal tahay In shabaabku ay u baxsan karaan saraakiishooda.

Sarkaalkan ayaa tilmaamay in waqtigaan dalkiisa uu u istaagay sidii uu u adeegsan lahaa diyaaradaha nuuca aan duuliyaha lahayn taasoo lagu bartilmaameedsan karo saraakiisha Al-shabaab ee xiriirka la leh ururka Alqaacida.

Mareeykanka ayaa la ogyahay in saldhigyo Milatari oo ay ka duulaan diyaaradaha nuuca aan duuliyaha lahayn ka hirgaliyay wadanka Ethiopia, si uu ula dagaalamo kooxaha Al-shabaab iyo Alqaacida oo iyagu dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wada bariga iyo waqooyiga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here