Ethiopia oo iska fogeysay inay ku lugleedahay Jubbooyinka Dhageyso

Dowladda Ethiopia ayaa iska fogaysay inay ku lug-leedahay qilaafka ka jira maamullada gobollada Jubbooyinka ee dhowaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Ethiopi, Getachew Reda oo la hadlay VOA -da ayaa sheegay in dowladda Ethiopia aanay dhinacna la jirin maamullada Kismaayo looga dhawaaqay iyo xaaladda halkaasi ka jirta.

Mr. Reda ayaa sheegay in dowladda Ethiopia aaney jirin dhinac ay la safan tahay, isla markaana wax kasta oo ka dhacaya magaalada Kismaayo ay tahay inay ku lug yeeshaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa maalmihii dhowaa jiray hadal-heyn layska dhex-marayay oo Ethiopia ku eedeyneysay inay ku lug-leedahay qilaafka iyo xasaradda maamullada Jubbaland ee looga dhowaaqay Kismaayo.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia ay kaalin muuqata ku leedahay xasilinta dalka geeska Africa ku yaalla ee Soomaaliya iyo la dagaallanka Al-Shabaab oo ah koox xiriir la leh Al-Qaacida.

Ugu dambeen Mr. Reda waxa uu sheegay in Ethiopia ay taageersan tahay hannaan Soomaaliya ka reebayo qaskii ay soo martay muddo ka badan 21-sanadood, isagoo si gaar ah u soo qaatay qorshaha urur-goboleeda IGAD.

Hadalkan Afhayeenka ra’iisal wasaaraha ayaa yimid, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xiisada ka taagan Kismaayo ay door wayn ku lee yihiin waddamada dariska sida Kenya iyo Ethiopia.

Shirka dabayaaqada bishan ka dhacay Addis Ababa wax yaabaha madaxda IGAD ay ka dooddayaan waxaa ugu horreysa arrimaha Kismaayo.

Dhageyso wareysiga Afhayeenka ra’iisul wasaaraha Ethiopi, Getachew Reda

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/Getachew.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here