Ethiopia oo 11 sano oo xabsi ku xakuntay laba wariye oo Swedish ah

Maxkamad ku taala dalka Itoobiya ayaa maanta min 11 sano oo xarig ah ku xakuntay laba wariye oo u dhashay dalka Sweden kuwaasi oo lagu eedeeyey in ay taageerayeen ururka ay mamnuuca ka ah Itoobiya ee Jabhada Xoreynta Ogaden ee loo soo gaabiyo (ONLF).

Waxa kale oo lagu soo eedeeyey labadani saxafi oo lagu kala magacaabo Martin Schibbye oo ah sawir qaade iyo Johan Persson oo ah wariye in ay kusoo galeen dalkaasi sharci daro.

Martin Schibbye iyo Johan Persson ayaa laga xiray dhulka Soomaali galbeed ee ay xooga ku qabsatay Itoobiya bishi July waxa ay kasoo galeen dhinaca maamul goboleedka Puntland halkaas oo ay kasoo wadeen dagaalyahano ka tirsan ONLF.

Garsooraha maxkamada xakunka riday oo la yiraahdo Shemsu Sirgaga ayaa ku dhawaaqay in lagu xakumay midkiiba 11 sano oo xabsi ah, waxa kale oo uu sheegay in xakunkaan uu yahay mid ku haboon.

Sida uu sheegay abuukaatihi uu doodayey, ma jirin maxkamada wax hadal ah oo loogaga ogolaa saxafiyiinta, sidoo kalana maysan joogin goobta xakunka uu ka dhacay wax ehelkooda ah, kadibna waxaa xakunka lagu riday loogu tarjumay luqadooda Swedishka.

Xakunkaan ayaa sii xumeynayaa xiriirka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee kala Ethiopia iyo Sweden iyadoo todobaadki horana warbaahinta Sweden ay ka xumaatay habki ay Itoobiya ugu eedeysay saxafiyiintan soo gelitaankooda iyo danbiyada lagu soo eedeeyey.

Looyarka u doodaya saxafiyiinta oo la yiraahdo Sileshi Ketsela ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Rueters in ay hada ka war dhowrayaan in ay racfaan ka qaadan karaan iyo in kale xakunka lagu riday.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.