Erik Lamela oo boos joogto ah ka dalbaday Villas Boas

Xidigii hore ee Naadiga Rome Erik Lamela, oo ku hungoobay inuu boos joogto ah ka helo Tottenham, kadib markii uu booska kaxirtay xidiga reer Britain Andros Townsend’s, ayaa macalinka naadiga Andrea Villas Boas, ka dalbaday inuu jaanis uu isku muujiyo.

43223.jpg

Lamela oo Tottenham ugu fadhiya £30m, ayaa soo muuqday 5 kulan oo kaliya dhamaan Kulamadii ay Tottenham ciyaartay Xili ciyaareedkan.

“Waxaan u baahanahay in leey siiyo jaanis si aan isku muujiyo” ayuu yiri Lamela.

“Nolosha halkaan waa mid aah aan ugu helay uguna faraxsanahay, laakiin waxaa la joogaa xiligii aan heli lahaa Jaanis aan isku muujiyo, si aan uga qeyb galo koobka Aduunka 2014”.

“Waxaan sameeyaa Tababar aad u xoogaan, Kubada Ingiriiska waa mid aad uga duwan tii aan aqiinay ee Talyaaniga, taasoo ku dhisneyd maskax iyo khayaano, laakiin Tan Ingiriiska waa mid xoogan ku dhisan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here