Ergooyinka shirka wadatashiga Garoowe ugu danbeynti ku heshiiyey in xildhibaanada lagu soo xulo 4.5

Iyadoo shalay iyo maanta ay ergooyinka ka qeybgalaya shirka wadatashiga Garoowe isku mari la,aayeen qodobka ah hab xulista xildhibaanada baarlamaanka ayaa la sheegayaa in hada laga heshiiyey.

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo ku dhaw dhaw ergooyinka ka qeybgalaya shirka oo aan goor dhaweyd la xiriirnay, waxaa la isku raacay in xildhibaanada lagu soo xulo 4.5.

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ku dhaganaa mowqifka ah in xildhibaanada dowlada soo aadan laga soo xulo degmooyinka dalka Somaaliya  ayaa lagu qanciyey in dowlada soo socota marka hore lagu soo xulo nidaamka awood qeybsiga 4.5 kadibna dowlada sii xigta lagu soo xulo xildhibaanada hab waafaqsan deegaameysi.

Heshiiska ayaa lagu wadaa in daqiiqadaha soo aadan loogaga dhawaaqo magaalada Garoowe isaga oo si war murtiyeed ah looga soo saarayo halkaasi ka hor inta aanan shirka lasoo gaba gabeyn saacadaha soo aadan.

Waxaa hada socota qaban qaabo ku aadan xiritaanka shirka iyadoo madaxda dowlada KMG Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo Ahlu Suna ay ku guuleysteen in uu meel maro mowqifkoodi ahaa in xildhibaanada lagu soo xulo 4.5

Aqristayaal waxaan idin balan qaadeynaa in aan si toos ah halkan ugala socon doonaan hadba waxa kusoo kordha shirka wada tashiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Su’aalaha la doonaayo in laga jawaabo waxey yihiin:

    1) Sidee loo fulinaa Heshiiskani, yaase fulinaayo>

    2) Sidee loo soo xulaa Xildhibaanada, Yaa soo Xulaaya, Xageesee laga soo Xulayaa ?

    Haddii ay dhacdo in Xildhibaanada ay soo xulaan Dawladda hadda jirta kana soo xulaan Baarlamaanka hadda jiro waxey noqon doontaa ” Kud ka Guur oo Qanja u guur ” halaag mooye Xal uma keeneyso Somalia arrintaas.

Comments are closed.