Ergooyinka oo ka dooday qodobo la rabo in wax laga badalo

Ergooyinka ka qeybgalaya shirweynaha ansixinta dastuurka Soomaaliya ayaa maanta ka dooday qodobo ay ku sheegeen in ay ka hor imaanayaan shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliya.

Shirka maanta oo ahaa mid ergada loo qeybiyey qodobada uu ka koobanyahay dastuurka ayaa waxaa marki lagu dul aqriyey oo loo meeriyey kasoo saareen qodobo ay arkeen in ay muhiim tahay in wax laga badalo.

“Dastuurka qodob qod ayey u aqriyeen, marka maanta waa la meeriyey dhagahooda ayeyna ku maqleen dhamaan 800-da ee goobta soo xaadirtay,” sidaa waxaa yiri wasiirka dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil.

Sida wararku ay sheegayaan qodobada ay dooda ka keeneen ergooyinka ayaa waxaa ka mid ah gudniinka gabdhaha oo dastuurku uu qorayo in aanan haba yaraatee gabdhaha lagu taabaneyn gudniin.

Odayaasha ayaa intooda badan raba in lagu sameeyo waxa loo yaqaano sunnada oo ah gudniin aad u yar oo ay haataan Soomaalida ku nool dalka gudihiisa ay wada qaateen marka laga reebo dad badan oo ku nool baadiyaha iyo magaalooyinka qaar.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here