Ergooyinka iyo madaxda dowlada oo kusii qul quleysa xarunta uu ka furmayo shirka

Waxaa wali ku qul qulaya xarunta uu ka furmayo maanta shirka ansixinta dastuurka iyo sidoo kale qaar ka mid ah madaxda dowlada KMG Soomaaliya.

Xasan Maxamed Jimcaale, wasiiru dowlaha dastuurka ayaa sheegay in shirka uu furmayo saacadaha soo aadan iyadoo lagu wado in wasaarada dastuurka iyo dib u heshiisiinta ay marka hore hadalo ku furi doonto.

Madaxda dowlada ayaa iyaguna ku xigsan doona sida qorshuhu yahay kuwaasi oo qudbado ku saabsan marxaladihi uu soo maray iyo waxa laga filayo odayaasha jeedin doona.

Shirka oo socon doona mudo 9 cisha ah ayaa goobta uu ka dhacayo oo ah xarunta akadeemiyada Janaraal Kaahiye ama Iskool Buluusiya waxaa amaankiisa sugayo ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya.

Wariyaasha ayaa haatan la daayey waxaa sidoo kale haatan xaadir ku ah boqolaal ka mid ah ergada shirka ka qeybgaleysa.

Wixi kuso kordha kala soco Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here