Ergada ansixineysa dastuurka oo goor dhow laga daad gureeyay xaruuntii ay ku shirayeen

Ergadii ka qeybgaleysay madasha shirka ansixinta dastuurka ayaa goordhow laga soo celiyey madasha shirka ee xarunta Iskool Boolisiya (Gen Kaahiye) ee degmada Xamar Jajab kadib markii qarax miino uu saaka ka dhacay xarunta shirka.

Mid ka mid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka ayaa sheegay inay dib ugu laabteen hoteeladooda kadib mrkii saaka xilli ay galayeen xarunta uu qarax ka dhacay gudaha xarunta ay ku shirayeen.

Saraakiisha booliska ee ka masuulka ah amaanka goobta iyo ciidamada AMISOM ayaa ku wargeliyey ergooyinka inay ku laabtaan hoteladooda illaa inta amaanka laga xaqiijinayo, waxaana haatan socda baaritaan culus oo laga wado hareeraha iyo gudaha xarunta.

Shirka ansixinta dastuurka oo maanta geli lahaa maalintii saddexaad ayaa sidaasi ku baaqday, sida ergooyinka qaarkood ay sheegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here