Ereteria oo la beeniyey inay Taageerto Al Shabaabka Somaliya

MONITORING-Group

Kooxda Dabagalka Soomaaliya iyo Eretrea ee Monitoring Group ayaa waxay sheegeen in Dawladda Ereteria aanay taageero siinin Al-Shabaabka Soomaaliya.

5-tii sano ee la soo dhaafay Dawladda Eretria ayaa cunaqabateyno lagu soo rogayay iyada oo lagu eedeynayo in ay taageerto Al-shabaab,,warbixin sanadle ah oo ay soo saaraan Gudiga Dabagalka Soomaaliya iyo Eretria ee Golaha Ammaanka Q/M ayaa sheegay in aysan jirin taageero Dawladda Eretria ay siiso Al-shabaab waxaana hadda Eretria laga tir tirayaa dhamaan eedihii loo heystay eek u aadanaa taageerada Al-shabaab.

Kooxda Dabagalku ma aysan helin haba yaraatee wax caddeymo ah oo ku saabsan in Dawladda Asmara ay taageertyo Al-shabaabka Soomaaliya , sidoo kale gudigan waxaa ay meesha ka saareen in Dawladda Eretria aysan taageerin 3 Urur Dagaalamayaal ka jira Koonfurta Suudaan.

Kooxda Dabagalka ayaa ku edeysay Eretria in ay taageerto Mucaaridka Ethiopia, Al-shabaabka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama koonfurta Sudan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here