Ereg “Dhamaan waan qaadnay isbaarooyinkii,askarigii isaga oo lacag qaadaya lagu arka tallaabo ayaa laga qaadayaa”

Taliska cidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir ayaa faahfahin ka bixiyay howlgalo isbaaro qaadis ah oo ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo kuwa Nabadsugida ay ka sameyen Degmoyin ka mid ah Gobalka Banaadir.

Howlgalka oo ay si wadajir ah ufuliyeen cidamada Booliiska Soomaliyeed iyo kuwa Nabadsugida qaranka ayaa markii uu soo dhamaaday kadib saxaafada la hadlay Taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobalka Banaadir khaliif Axmed Ereg.

Ereg wuxuu sheegay in ciidamada Nabadsugida ay Muqdisho ka sameeyeen howlgalo lagu qaadayo sibaarooyinka sida uu sheegayna la qaaday dhamaan isbaarooyinkii yalay gudaha Magaalada Muqdisho.

Khaliif Axmed Ereg ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in aan Muqdisho lagu arki karin askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gaadiidka lacago sharci daro ah ka qaadayaa askarigii lagu arkana tallaabo adag ciidamada Dowladda ay ka qaadi doonaan sida uu sheegay.

Wuxuu tilmaamay in ganacsatada iyo sidoo kale gaadiidleeyda Gobalka banaadir uu usheegaya n hadii ciidanak Dowladda ay weeydiiyaan lacag ay lasoo xiriiraan laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliya si ciidamaad Dowladda ay tllaabo uga qaadaan askartaasi lacagta gaadiidka kaq aadaya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in arimahani ay ka dambeeyeen kadib markii dhawaan Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u soo saaray amaro adag o ku qotoma isbaarooyinka yaala wadooyinka Magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here