Erdogan oo sheegay in qaxootiga Syria la siin doono dhalashada Turkiga

trtworld-nid-136720-fid-168420Recep Tayyip Erdogan , Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in qaxootiga Siiriyiinta ah ee ku nool dalka Turkiga la siin doono dhalasho Turki ah.

“Waxaan ku caawineynaa saaxibadeen Siiriya in aan fursad u siino haddii ay doonayaan in ay qaataan dhalashada dalka Turkiga.” Madaxweyne Erdogan, ayaa hadalkan ka sheegay gobolka Kilis oo ku yaal xadka dalka Siiriya.

trtworld-gallery-nid-136720-fid-168424

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa mar dhow ku dhowaaqi doono sida loo marayo sharciga lagu qaadanayo dhalashada TUrkiga,ayuu sii raaciyay Madaxweyne Erdogan.

Laakiin Madaxweynaha Turkiga ayaan kala cadeyn in dhammaan qaxootiga Siiriyiiinta ah ee gaaraya 2.7 malyan oo ku nool dalka Turkiga ay codsan karaan dhalasho sidoo kale ma sharixin qaabka loo helayo dhalashada Turkiga iyo waqtiga ay qaadanayso helitaankeedaba.

trtworld-gallery-nid-136720-fid-168423

Madaxweynaha Turkiga oo kula kulmay koox qaxooti Siiriyaan ah magaalada Kilis oo ay ku nool yihiin qaxooti gaaraya 120,000 ayaa yiri; “Dadka Turkiyiinta ah iyo kuwa Siiriyiinta waa walaalo, kama fogidiin dalkiina balse guryihiina oo kaliya ayaad ka soo dhaqaaqdeen, Turkey sidoo kale waa gurigiina.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here