Erdogan oo Mareeykanka ka dalbaday ineey soo gacan geliyaan Fethullah Gulen

537929988Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo kula hadlay taageerayaal badan oo isugu soo baxay dibedda hore ee dhismaha baarlamaanka, ayaa Maraykanka ka dalbaday in uu usoo gacan geliyo Fethullah Gulen, oo uu ku eedeynayo in uu ka dambeeyay afgambigii dhgicisoobay.

Inkastoo dowlada Turiga ay baadi goobeyso Gulan hadana isagu waa uu beeniyey in uu ku lug lahaa afgambiga dhicisoobay ee Turkiga.

Dowladda ayaa xirtay kumannaan ka tirsan milateriga Turkiga oo ay uga shakisan tahay in ay ka dambeeyeen afgembigaasi fashilmay.

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ugu baaqay xukuumadda Turkiga in ay sharciga raacdo marka ay baaritaanka ku samayneyso isku-daygaasi afgembi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in eedeymaha ah in Maraykanka uu ku lug lahaa isku-daygaasi ay dhibaato u geysan karaan xiriirka labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here