Erdogan oo lahjad adag kula hadlay reer Galbeedka

3213Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa sheegay in Inqilaabkii Dhicsoobay kadib, ay Dowladiisu iminka sidii hore ka xoog badan tahay, kuna sii socon doonto wadiiqad ku saleysan xaqiijinta horumarka umadda iyo tan guud ee Dowladda.

Madaxweynaha Turkiga Rajab Dhayib Ordagan, wuxuu kaloo daboolka ka qaaday in ay xireen Xaruumo Dowladeed iyo mid gaar ahaaneed ee looga shakiyay inay gacan saar laleeyihiin Argigixisada, wuxuuna tilmaamay inay ka mid yihiin 934 Iskuul, 109 xaruumood oo Hooy u aheyd Arday wax ku barata dalka Turkiga, 15 jaamacadood, 104 xaruumo diineed, 35 goobo Caafimaad, 1125 Jamciyadood iyo 19 Notaayo.

Wuxuuna intaa raaciyay in xabsiga la dhigay 8385 Mileteri, 2101 Garsoore Maxkamadeed, 1485 Boolis, 52 shaqaale Xukuumadda ka tirsan iyo 689 qof Rayid ah.

Isagoo ka hadlay Xarunta Madaxtooyada Caassimadda Turkiga ee Ankara, waxa u Madaxweyne Erdogan uu sheegay inuu dalkiisu uu galay marxalad cusub , wuxuuna cadeeyay in Xeer ilaalintu ay hadda baaris horudhac ah ku waddo 13-kun qof oo lagu tuhumayo inay ku lug lahaayeen afgenbiga kuwaa oo lagu soo qabqaabtay dhamaan Gobolada Turkiga, ayna Dowladiisu ka go’antahay in si cadaalad ah dadkaasi ugu xaqsooro.

Madaxweynuhu, wuxuu yiri” Turkiya waxay noqotay Dowladaaha caalamka kuwooda ugu dhaqaale xooggan, mana nihin dal dibadda ku xiran,xaq sancadda horumartay iyo Gaashaandhiba”,balse waxaa la isku dayayaa ayuu yiri”in horumarkaa aan higsanay la carqaladeeyo”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here