England oo Guul rasmi ah ka gaartay Swedhan taariikhda inta laxasuusto(Daawo sawirada)

XulkaEnglandayaa waajahay xul marka lala barbar dhigo aan awood sidaas ah laheyn waxaana hogaaminaya laacibka weyn ee naadiga Ac-milan Zlatan Ibrahimovic.

Xulka ingiriiska oo aan mudo 20 sano ah ka adkaan xulka Swedhan ayaa xalay markii ay bilaabatay ciyaarta kusoo galay si awood ah iyagoo kubadda inta badan haystay gaar ahaan dhinaca qadka dhexe, oo ay kawada ciyaarayeen laacibiinta kala ah (Gerrard,milner,parker).

Daqiiqado kadib markii ay ciyaarta socotay ibrahimovic ayaa kusigtay inuu gool kaga naxsadoEnglandbalse uma suurta galin oo waxaa ka badbaadiyay goolhaye Hart.

Daqiiqadii 23aad ayaa laacibka steven Gerrar kubad uu soo karoosay waxaa madaxa lahelay laacibka Anddy Carrol oo shabaqadda swedhan dhexdhigay, sidaas ayaana qeeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay.

Qeeybtii labaad ee ciyaarta daqiiqado kadib xulka swedhan waxaa usuurta gashay ineey barbareeyaan goolkii lagu lahaa kadib markii kubad uu si qalad ah goolkiisa ugu leexiyay laacibka Johnson oo garabka midi gee daafaca uga ciyaara xulkaEngland.

Intaas kadib waxaa kubadda maamulkeeda lawareegay xulka swedhan,daqiiqado kadib waxaa goolkii labaad xulka Swedhan u saxiixay laacibkooda da’da ay kadaba timid mellberg kaasoo Goolkii koowaadna sabab u ahaa.

Daqiiqadii 64aad ayaa waxaa soo laabtay awoodii ingiriiska kadib markii uu goolkii barbaraha ukeenay laacibka dhaxlay nambarkii Devid Becham ee (THIO WALLCOTT)

Xulka swedhan ayaa sii labajibaaray weerarka isagoo si buuxda ula wareegay maamulka garoonka qaasatan qadka dhexe iyagoo sideey doonaan kasameesanay kubadda,laakii nasiib xumo daqiiqadii 77 ayaa goolkii 3aad waxaa England usaxiixay laacibka Manchester united Danny Wellbeck, ciyaartiina waxa ay ku dhamaatay in xulka England markii ugu horeesay mudo 20sano ah uu ka adkaado xulka Swedhan.

SAAMI ADDOW