Eng. Yarisow “Aqoonyahannadu waa inay mashruuca Aada Iskuullada ka qeyb Qaataan”

410La Taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Mudane Cabdiraxman Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay ka qeybgalay xaflad arday ka qalinjabisay Jaamicadda International Health Science University (IHSU) loogu sameeyey Kampala.

Xafladan oo si heer sare loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen guddiga ardayda Soomaaliyeed ee IHSU ayaa waxaa ka soo qeybgalay ardeyda IHSU, guddoomiyeyaasha guddiyada ardeyda Jaamacadaha kale ee Uganda, mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya iyo arday kale. Ujeedada xaflada ayaa aheyd in wiilasha iyo gabdhaha soo dhameystay waxbarashadooda jaamacadeed lala qeybsado farxadda, loona hambalyeeyo.

Eng. Yarisow oo ka hadlayey munaasabadda ayaa xusay sida ay dowladda Federaalka uga go’antahay dhiirigelinta waxbarashada isla markaasna dowladdu ay sameeysey labo wasaaradood oo waxbarashada hoose iyo tan sare oo ujeedadu tahay in kor loo qaado aqoonta oo la helo umad leh aqoon ku filan. Eng. Yarisow oo u hambalyeeynayey dhalinta cusub ee soo dhameysatay waxbarasho jaamicadeed in dhammaan aqoonyahanada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay ka wada qeybqaataan mashruuca Aada Dugsiyada si loo gaaro hadafka ah in hal milyan oo carruur ay helaan waxbarasho tayo leh.

Eng. Yarisow ayaa kula dardaarmay ardayda Soomaaliyeed ee qurbaha jooga inay marwalba hamiga ku hayaan sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen oo aqoontooda ay uga faa’iideysan lahaayeen walaalahood jooga dalka oo aan fursad u helin inay wax bartaan. Eng. Yarisow ayaa sheegay in aqoontu ay tahay iftiin loona baahanyahay in laga gudbo jaahliga, dagaallada, xasadka, colaadaha iyo fowdada, isla markaana ay waxbarashadu tahay tiirka ama aasaaska nolosha taasoo keeni karta horumar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here