Elman oo yeelatay macalin cusub.

Macalin Geelle oo loo dhiibay Elman
Macalin Geelle oo loo dhiibay Elman

Kaddib markii guulo daro waaweyn ay isku raaceyn kooxda Elman, waxaa kooxda isbadal ku sameesay dhinaca tababarka, waxaana u yeertay macalinkii horre ee xulka qaranka Soomaaliya, Geelle.

Tababbare Geelle ayaa loo magacaabay in uu noqdo macalinka koowaad ee kooxda Elman, halka macalinkii horre ee Yuu Cali laga dhigay macalinka labaad ee kooxda.

Elman ayaa galabta la ballansan kulan tirsan horiyaalka heerka koowaad ee dalka, kooxda Gaadidka, oo iyana macalin cusub toddobaadkan yeelatay.

Dadka cayaaraha Soomaalida ka faalooda waxa ay lee yihiin Elman ma ahan waa yaahan siddii lagu yaqiin oo waxaaba horiyaalka laga adkaaday seddax kulan.

Waxaa la sugaaba waa isbadalka uu la yimaado tababbarraha cusub ee Elman,macallin Geelle.

Elman ayaa ku jirta kaalinta seddaxaad ee kala horeynta horiyaalka, waxaana ay lee dahay 17-dhibcood.

Horiyaalka Soomaaliya ayaa iminka maraya meelo xasaasi ah, waana wareega labaad ee horiyaalka koowaad ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here