Elman oo rikoor cusub ka dhigtay horiyaalka Somalia

Elman oo rikoor cusub ka dhigtay horiyaalka
Elman oo rikoor cusub ka dhigtay horiyaalka

Iyadoo horiyaalka Soomaaliya uu soo gaaray heer gabagabo ah, ayaa kooxaha qaar waxa ay u dagaallamayaan siddii ay meel fiican uga gali lahaayeen horiyaalka heerka koowaad.

Sidda uu yahay qorshaha horiyaalka waxaa hadda ka harsan wax aan ka badneen seddax cayaar.

Cayaartii ugu mucjisada badneed waxa ay ahayd tii shaley dhex martay kooxaha Elman iyo Savana.

Elman waa kooxda difaacaneysa horiyaalka, waxa ay shaley ku ciil baxday kooxda Savana oo ah kooxda ugu hooseesa horiyaalka.

Elman waxa ay ka dhalisay kulankii shaley galab ilaa 8-gool.

Cayaaryahan Sacad Saalax Xuseen ayaa ahaa cayaaryahanka sidda weyn uga dhex muuqday kulankaas wuxuuna dhaliyay 4 gool.

Waa kulankii ugu horreeyay ee horiyaalka oo goolal intaas la eg laga dhaliyo garoonka caalamiga ee Koonis.

Bogga Midnimo.com waa hooysga cayaaraha Soomaalida iyo caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here