Elman oo kaalinta labaad soo gashay horiyaalka

Kooxaha Elman ayaa kaalinta labaad soo gashay horiyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaaliya, kaddib markii galabta oo Jimco ah ay ka adkaatay kooxda Savaana oo ah kooxda ugu hooseesa horiyaalka.

Labada koox ayaa kuwada cayaaray garoonka caanka ah ee Banaadir ee degmada Cabdicasiis ku yaalla.

Kooxda Elman ku dhex jirta garoonka
Kooxda Elman ku dhex jirta garoonka

Kulankan oo ah mid xiiso iyo xamaasad badanaa ayaa labada koox waxa ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay oo maqsuud ay ka wada noqdeen dhammaan taageerayaasha garoonka joogay iyo dadkii kale ee u soo daawasho tagay.

Cayaarta horiyaalka Soomaaliya ayaa lagu daawadaa lacag u dhexeyso shan kun ilaa 10 kun oo shilling Somali ah taasoo u dhiga nus dollar.

Cayaarta ayaa ku soo dhammaatay 2 iyo 0 oo ay ku adkaatay kooxda Elman.

Kooxda Elman oo ah kooxda difaacaneysa horiyaalka, ayaa hadda leh 9-dhibcood, waxaana ka horreeya kooxaha Banaadir SC oo leh 10-dhibcood, sidoo kale kooxda Heegan ayaa ku jirta kaalinta seddaxaad waxaana ay lee dahay 8-dhibcood.

kala soco horiyaalka heerka koobaad markasta bogga Midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here