Elman & Heegan oo galabta kullan adag ku ballansan

Kooxaha Elman iyo Heegan ayaa galabta ku ballansan kulan ka tirsan horiyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaaliya.

Kulanka Heegan iyo Elman ee galabta
Kulanka Heegan iyo Elman ee galabta

Kullankan oo ah kii 17-aad ee la cayaaro horiyaalka oo billowday dabayaaqadii bishii horre, ayaa wuxuu ka mid yahay kullamada ugu adag, waayo labada koox waa isku dhibco oo min sagaal dhibcood ayey wada lee yihiin.

Kooxda Elman waa kooxda difaacaneysa horiyaalka, laakin sannadkan horiyaalka waxaa laga yaaban yahay kooxda Banaadir Sports Club oo ay u cayaaraan cayaartoy ajaaniib ah.

Kulanka galabta aytaa kala caddeen doona hoggaamiyaasha horiyaalka, maadama Banaadir SC oo hadda hoggaamineyso ay lee dahay 10 dhibcood.

Akristayaasha aan jecelnahow, kulankan iyo natiijadiisa kala soco bogga Midnimo haddii alle idmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here