Elman & Banaadir SC barbardhac ku kala tagay

2013117635193870573869961981Kooxaha Elman iyo Banaadir Sports Club oo jimcihii ku cayaaray garoonka Koonis ee degmada Cabdicaasiis.

Cayaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu talagalay waxa ay ku dhammaatay 0 iyo 0, waxaana labada koox ay soo bandhigeen cayaar aad loo jecleestay.

Banaadir waxa ay noqotay kooxda kaliye ee aan laga adkaan xilli cayaareedkan dhammaan kulamadii ay cayaartay horiyaalka.

Labadan koox ayaa wareegii horre ee horiyaalka waxa ad kaaday kooxda kooxda Banaadir Sports Club oo hoos taga maamulka gobalka Banaadir.

Horiyaalka waxaa hadda hoggaamineysa Kooxda Banaadir  Sports Club oo leh 19-dhibcood, halka Heegan oo  labaad ku jirta, waxa ay lee dahay 18-dhibcood, kooxda Elam waxa ay lee dahay 17-dhibcooda.

Horiyaalka heerka koowaad waxaa kaalinta ugu hooseesa ku jirta kooxda Savana oo leh hal dhibic oo qura.

Maanta oo Sabti ah iyo berri oo Axad ah wax cayaaro ma jiraan sidda ay u qorsheeyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here