El Clasico: Maxaa kala haysta galabta Puntland & Banaadir

13718782_1143541929022921_5316287604128096319_nKullan aad u xiiso badan oo ka tirsan guruubka A, tartanka maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa galabta lagu ciyaari doonaa garoonka Koonis degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir.

Ciyaartaan ayaa waxaa isaga hor imaan doono Putland iyo Banaadir oo ku wada jira guruubka A, waana kullan loogu ordayo kaalinta koowaad ee guruubkaan .

Maamul goboleedka Putland ayaa kullankii ugu horeeyay waxa ay 4-0 uga adkaadeen Koofur galbeed halka Banaadir iyagana ay 5-0 ugu badiyeen isla Koofur galbeed.

Banaadir iyo Putland ayaa ciyaari doono kullankoodii ugu dambeeyay heerka guruubyada tartanka doowlad goboleedyada Soomaaliya

Xiddigaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in galabta ay badiyeen, halka Putland iyagana dhankooda ay Gool FM u sheegeen in ay ku qancaan kaliya guul.

Sikastaba ciyaarta u dhaxeysa Banaadir iyo Putland ayaa ah tii shanaad ee lagu ciyaari doono garoonka Koonis, waana ciyaartii saddexaad guruubka A.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here