El-CLASICO EURO 2012: SPAIN VS PORTUGAL

Garoonka Denbas Arena oo magaalada Donestik ayaa lagu wadaa in cawada ay ciyaar aad uxiiso badan ku dhexmarto labada xul  eek ala ahn Spain iyo Portugal, wiilasha Del posque ayaa doonaya inee gaaraan kama danbeysta tartanka Euro 2012 laakiin arinta layaabka leh ayaa ah in Portugal oo loo saadaalinayay ineey ku haraanw areega koowaad ee Group-yada maadama ay kujireen Group-ka geerida oo ay kuljireen wadamada Holand Denmark Germany , hadane sidaas ooy tahay wiilasha Poulo Pinto waxay muujiyeen dadaal dheeri ah iyagoo hada kamid noqday xulalka loo saadaalinayo ineey qaadaan koobkan.

ciyaartoyda Portugal oo isku diyaarinaya kulanka cawada
ciyaartoyda Portugal oo isku diyaarinaya kulanka cawada

Markii ugu danbeeysay ay labadaan xul kulmaan waxay ahayd 2011 iyadoo markaas xulka Portugal ay 4-0 kaga adkaadeen xulka sspain ciyaartaasoo ahayd ciyaar saaxiibtinimo, laakiin spain ayaa Portugal kaga adkaatay ciyaar rasmi ah koobkii dunida ee lagu qabtayw adanka south afrika 2010.

goolhaye casilas
goolhaye casilas

Taariikhda labadan xul majirto wax iska badalay oo sidaa u buuran inkastoo spain ay 3dii sano ugu danbeeysay gaartay guulal taariikhi ah iyadoo ku guuleeystay koobka Euro 2008 iyo koobkii dunida 2010 laguq abtay koofur afrika halka Portugal ay 2004 soogaareen kama danbeysta tartanka euro 2004 markaasoo creec-ga ay ka qaadeen, Portugal ayaa ku duuleysa xidigooda C,ronaldo kaasoo soo bandhigay ciyaaro aad loo jecelystay kulamdii ugu danbeeyay isagoo sabab u ahaa guulihii uu xulkisia kasoo gaaray wadamada Holland iyo Czech republic