Ehelada Meydad Maalmahaan Muqdisho lagu arkayay oo Warbaahinta lahadlay

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa magaalada Muqdisho lagu arkayay meydad kala duwan, oo marku waagu baryo lasoo dhigayay xaafado kamid ah G/banaadir, meydadkaan oo markii lagu wareersanaa cida ka danbeysay, iyo sababta dadkaan loo dilay, ayaa xalay waxaa Idaacadaha Muqdisho soo wacay dadkii ehelka u ahaa qaar kamid ah dhalinyarada dilka loo gaystay.

Guuleed oo sheegay inuu Waalid u ahaa Wiil kamid ahaa 4 dhalinyaro oo shalay meydookooda lasoo dhigay degmada Dayniile, ayaa sheegay in markii hore ay Ciidamada doowlada ku qabteen deegaanka Ceelasha isagoo ka bar bar dagaalamaya Al-shabaab, islamarkasna dhaawac lagu soo qabtay.

Guuleed waxa uu sheegay in wiilkan uu ehelka u yahay uu ka tirsanaa Al-shabaab, islamarkaasna uuba isaga laftiisa iska ilaalin jiray, laakiin waxa uu ku sheegay in loo baahnaa in sharciga lasoo taago oo la marsiiyo waxa uu muteysto, waxa uuna doowlada ugu baaqay in la baaro sababta ka danbeysay in xabsiga lagala baxo kadibna latoogto.

Sidoo kale, waxaa xalay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho lasoo hadlay wiil isna sheegay in ay qaraabo ahaayeen mid kamid ah dhalinyaradii shalay meydkooda lasoo dhigay Deyniile, waxa uuna qiray in uu wiilkaas ka tirsanaa kooxda Al-shabaab in mudo ahna ka garab dagaalamayay, shalayna ay ka warheleen meydkiisa oo lasoo dhigay Deyniile.

Cali dheere oo af labadiisa yeeray:

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere, ayaa saakay ka hadlay dilalka malmahaan ka dhacayay magaalada Muqdisho, iyo meydadka wadooyinka lasoo dhigay, Cali dheere oo u muuqday mid doonayay inuu kiciyo dadka, ayaa ku cel celiyay in dhalinyarada la dilay ay ahaayee, dhalinyaro aan waxbo galabsan ayna ahayen kuwo arday ah oo Muqdisho wax kabaranayay.

Waxaa la yaab leh Cali dheere, in djhalinyaradii maalmihii danbe meeydadkooda Muqdisho lasoo dhigayay uu ku tilmaamo Arday, iyadoo la wadaxasuusanyahay wixii ay Al-shabaab ku sameeyeen Ardaydii dooneysay in wax barasho ay u aadaan wadanka Turkiga, oo ay ku halaageen qaraxii Hargaha iyo Saamaha.

Dhawaaqa Cali dheere, ayaa muujinaya in dhamaan dhalinyardaan maalmahaan meydadkooda lasoo dhigayay wadooyinka Muqdisho ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Doowlada oo markaan go’aan fiican ka gaartay Al-shabaab:

Dad farabadan oo ku nool magaalada Muqdisho, ayaa iyaga qaba figrad ah inan marnaba Al-shabaab loo naxariisan, maadama aysan iyagu shacabka u naxariisan, islamarkaasna ay gowrac ku jiidaan dadka waxgalka u ah bulshada.

Mid kamid ah dadka ku nool Muqdisho, islamarkaasna magaciisa qariyay, ayaa Midnimo.com u sheegay in uu aad usoo dhaweeynayo tallaabadan adag oo ay doowlada ka qaadatay la dhaqanka Al-shabaab, iyo in ladilo ruuxii lasoo qabto isagoo katirsan Al-shabaab.

Waxaa hubaal hadii ay doowlada sii wado tallaabadan Cusub ay ka qaadatay Al-shabaab, in ay yaraan doonto hagar daamada Al-shabaab, iyo dhibaatada ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

5 COMMENTS

  1. Waxaa qalad ah in ruux la iska dilo iyadoo maxkamad xukumin. Waxcy arintaan ina tusineysaa in dowladu dowlad fowda ah ee tahay. Dhalimyaradaas waa la badbaadin karey. Xabsiyada maxaa loo sameeyey soo dhaqan celis maaha? Falalkaan oo kale dowladii sameysa ma sii jirto. Aqri taariikhda. Ina lillaahi wa inaa ilaeyhi raajicuun

  2. asc Allah ha u naxariisto wiilasha dhintay hadii ay yihiin kuwa lag gardanyahay lakiin dadka hadalka badan ee ka fa,idaysanay dhibaatad ha ogaadn mida kale hadii ay yihiin r4agan ku ka mid ah ahaan jiray kuga dhibaka ka lagu qabay ha oghaadan in ayaga dada ay dileen dil dil ma dhaamo xanuunka la xanuusanay dad ayaa dad u xanuusanay

  3. aad ayaa u soo dhoway-nayaa la dagalanka aay ciidamada xooga dalka soomaaliya kula jiraan Qawariijta,sidaay dadka u dilaan haloo dilo,weliba hala guba, siday Ardadii hargaha iyo saamaha u-gubeen Al-qaciida as-xaan soomaali kama dhaxayso ee dil ayaa ka dhaxeeya Naagahoodana hala dumaalo ,oo culumadu hanoo fasaxeen ilaa gaalo jabtay weye. Godane,Cali dheere iyo xasan D,Awees Naagohoodu waa xalaal,Caruurtooduna waa dil hadday la nool yihiin….

    • Taageere sare, wee kaa qaldan tahay. Caruur aan wax galabsan inaad disho hadaad rabto. Waxaad tahay nin waalan oo in la xirxiro mudan. Rag waa leyska celiyaa ee lama xadgudbo.

      • Asc,arrinta sidan ma ahan in wax loo galo meel dowlad la aqoonsadi ka jirta, ee Mardambe yaan sidaa wax la yeelin, tani way noqotaya ma soo noqoneyso ee hadda iyo wixii ka dambeeya ha laga fiirsado,yaana loo dhiibin nin aan masuul qaadi karin Maxaabiis dagaal lagu soo qabtay, Ilaah Hanaga cafiyo Dembigaan ee mid sidaan oo kale Ilaah naguma celiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here