Eedeyn loo soo jeediyay wasaarada Maaliyada

Eedeyn loo soo jeediyay wasaarada ayaa Saleebaan Maxamed Ibraahim, oo ah gudoomiye kuxigeenkii hore ee gudiga Maaliyada baarlamaankii KMG ahaa,  waxa uu faahfaahin kabixiyay sababaha ay shalay baarlamaanka u laaleen miisaaniyada ay Sanada cusub ku shaqeyneyso Xukuumda.

Xilibaan Saleebaan oo wareysi siinayay mid kamid ah warbaahinta Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in miisaaniyada aan lagu xusin waxa ay mushaar ahaan u qaadanayaan Ciidamada doowlada, waxa uuna xusay in ay wanaagsanaan lahayd in wasaarad kasta iyada ay soo diyaarsatomiisaaniyadeeda.

“Lama cadaynin ciidanka Soomaaliya waxa ku baxaya ama mushaarka askariga uu yahay, Caafimaadkii iyadana laguma faahfaahin” ayuu yiri Xilibaan Saleebaan.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in miisaaniyadii shalay baarlamaanka laaleen aysan ku cadeen faahfaahin koobana aan looga bixin arimaha quseeya bulshada, sida Caafimaadka, waxbarashada iyo daryeelka guud ee bulshada.

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay waxay ku laaleen cod qaab gacan tag ah ku dhacay oo quseeyay miisaaniyada taasoo uu usoo gudbiyay wasiirka maaliyada.

Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay in baarlamanka aysan fasax gali doonin islamarkaasna 30-ka maalmood ee nasoo aadan ay meel marin doonaan miisaaniyada ay kus haqeeyneyso xukuumadda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here