Eedeyn loo soo jeediyay hay’ada UNHCR

Carry Simond, oo kamid ah saraakiisha hay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee HRW, ayaa waxa uu eedeyn u jeediyay hay’ada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ee UNHCR, waxana uu ku eedeeyay kahadalka tacadiyada loo geeysanayo Soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya, islamarkaasna u diiwaangashan hay’adaas.

“Hay’ada QM u qaabilsan qaxootiga UNHCR, dhibaatooyinka loo geysanayo qaxootiga udiiwaan gashan eek u dhaqanka dalka Kenya aad beey uga gabisay ineey wax ka ogaato, islamarkaasna ay kahdasho, waxaan leenahay aad ayay ugu fashilantay UNHCR iney wax ka ogaato qaxootiga Soomaliyeed ee u diiwaan gashan dhibaatada lagu hayo” ayuu yiri Mr Carry Simond.

UNHCR oo ka jawaabtay eedeeynta loo soo jeediyay:

Dhanka kale afhayeenka UNHCR oo ka jawaabay eedeyntaasi kaga timid hay’ada HRW, ayaa waxa uu sheegay ineey jiraan dhibaatooyin ay booliska wadanka Kenya ugeystataan qaxootiga Soomaalida ah ee iyaga u diiwaangashan, laakiin waxa uu sheegay in sida ay hay’ada wax uga qortay ineysan wax ujirin.

“Waa jirtaa in Booliska Kenya ay dhibaato u geysteen qaxootiga Soomaaliyeed, laakiin sida ay UNHCR u dhigtay maahan, oo majiraan wax jirdil ah” ayuu yiri afhayeenka UNHCR.

Kulan aad u ballaaran oo maalinkii shalay haa ka dhacay magaalada Nairobi ee xaruunta dalka Kenya, ayaa waxa ay hay’ada HRW ee Xuquuqda aadanaha ay kusoo bandhigtay qoraalo muujinaya tacadiyada ay Ciidamada Kenya kula kacaan qaxootiga Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan, kuwaasoo iugu jira, jirdil, Kufsi, dhac iyo caga jugleyn joogta ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here