Edin Hazard & Marco Marin Oo Kulankoodi Ugu Horeeyay Goolal Usaxiixay Nadaadigooda Cusub Ee Chelsea

Naadiga Chelsea oo safar kujoogta dalka mareeykanka ayaa kulan xalay laciyaartay naadiga Seatle Sandros.

Chelsea waxaa goolsha udaahfuray xidiga Lukaako iyadoo daqiiqadii 11-aadna uu goolka labaad sii raacsaday ciyaaryahanka cusub ee Edin Hazzard.

Naadiga Seatle oo ku ciyaarayay gurigooda ayaa waxaa usuuro gashay ineey iska barbareeyaan labada gool ee lagu lahaa daqiiqadihii 14-aad iyo 33-aad, balse naadiga haysta horyaalka yurub ee Chelsea ayaa waxaa usuuro gashay ineey markale kale goolkii sadexaad dhaliyaan kahor intaan laka marin kaambiyada waxaana usaxiixay ciyaaryahanka cusub Marco Marin unadhashay dalka Germany.

Lukako ayaa markale dhaliyay Goolkiisa labaad isagoo ciyaartana kadhigay 4-2 daqiiqadi 44-aad, sidaas ayaana Chelsea ku raacday guusha waxayna qeyb katahay ciyaaraha saaxiibtinimo ee ay Chelsea iskugu diyaarineeyso xili ciyaareeedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here