Eden Hazard oo ku biiraya Chelsea

Kubad sameeyaha kooxda Lille Eden Hazard ayaa lagu wadaa inuu caga dhigto kooxda Chelsea kadib marki uu xalay ku dhawaaqay inuu go,aansaday ku biirista kooxda heysato horyaalnimada Yurub.

21 jirkaan ayaa waxaa dalab u diray kooxo badan oo ka dhisan qaarada Yurub oo ay ku jiraan Manchester City iyo Manchester United, laakin xidiga qadka dhexe ee xulka Belgium ayaa doortay Chelsea si.

Wararka ayaa sheegaya in uu dhawaan uu tagi doono garoonka Stamford Bridge kadibna uu saxiixi doono heshiis shan sana ah oo ku kacaya £32m.

Waxa uu ku biiray kooxda Lille ee dalka Franca isaga oo yar, kulankiisi ugu horeeyey wuxuu u saftay bishi November ee sanadki 2007 isaga oo 16 jir ahaa, xulka qarankana wuxuu u saftay 26 kulan.

Dhawaan waxa uu ku guuleystay abaal marinta laacibka horyaalka dalka France ee 2012.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.