Real Madrid waa ay u qalantay Copa del Rey in ay ku guulaysato – Ronaldo

eal Madrid waa ay u qalantay Copa del Rey in ay ku guuleesato – Ronaldo
Real Madrid waa ay u qalantay Copa del Rey in ay ku guuleesato – Ronaldo

Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in Real Madrid ay si buuxda ugu qalantay in ay ku guuleesato Copa del Rey kaddib markii xaley 2 iyo 1 ay uga adkaadeen Barca habeenkii Arbacada.

Cayaaryahanka ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or ayaa ka maqnaa cayaartii xaley isagoona amaanay macallin Carlo Ancelotti.

Sidoo kale wuxuu ammaanay Angel Di Maria iyo Gareth Bale oo dhaliyay goolasha Real Madrid.

“Waab u qalanay in aan ku guuleesano koobka maxaa yeekay waxaan cayaarnay cayaar fiican waxaan abuurnay fursado goolal noqon karay balse waxaan helnay labo gool,” Ronaldo ayaa siddaas u sheegay saxaafadda markii ay dhammaatay cayaartii ka dhacday Mestalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here