Duuliyihii Diyaarada la qarxiyay ee Daallo oo wareysi bixiyay

Doowlada oo baareysa qaraxa diyaarada Daalo
Doowlada oo baareysa qaraxa diyaarada Daalo

Duuliyihii Diyaaradda Daallo Airlines ee uu qaraxu ka dhex dhacay waxa uu Ammaanka Hareeraha Diyaaradda ee Garoonka Muqdisho la barbar dhigay mid Heer Eber taagan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Duuliyaha oo lagu magacaabo Vlatko Vodopivec una dhashay dalka Serbia ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka ee AP ee laga leeyahay dalka Maraykanka, wuxuuna sheegay inuu qarax ahaa wixii ka dhex dhacay Diyaaradda.

Waxa uu intaasi ku daray inuu qaraxu ka xoog badnaan lahaa haddii ay Diyaaradda dhulka u jiri lahayd masaafo dhan 30,000 oo cagood ama Feet.

Waxa uu tilmaamay inay Diyaaradda ku duulaysay Joog Hoose, taasina ay keentay inuu yaraado qaraxa Diyaaradda, isla markaana uu awooday inuu Diyaaradda si nabad ah ku soo degto Garoonka Aadan Cadde.

Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyada oo ay Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka gacanta ku hayaan dad lala xiriirinayo Qarixii ka dhex dhacay Daallo Airlines

Telefishinka Dowladda Federalka ee SNTV ayaa baahiyey Muuqaal lagu duubay Kameeradda Qarsoon ee CCTV ee ku rakiban Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho, taasi oo laga dheehan karo Eedeysanayaasha ka dambeeyey qaraxa Daallo Airlines oo loo adeegsaday bam lagu soo dhex qariyey Laptop.

C/llaahi C/salaam Boorle, oo ah Ninka lagu tuhunsan yahay inuu Qaraxaasi fuliyey ayaa waxa Muuqaalkiisa laga arkay CCTV, isagoo loo dhiibayo Laptop-ka uu ku fuliyey Qaraxaasi.

Mmaydkiisa oo la sheegay inuu si aad ah u go’go’ay ayaa laga helay Degmadda Balcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here