Duulaan lagu qaaday Degmada Cadale ee Gobolka Sh/Dhexe

Ciidanka Dawlada iyo Kuwa AMISOM ayaa waxay maanta weerar ku qaadeen Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana wararku ay sheegayaan in halkaasi ay ka jirto xiisad dagaal.

Ciidanka iskaabaya waxay sheegeen in saacadaha soo socda ay doonayaan in ay la wareegaan guud ahaan Degmada Cadale Gobolka Shabellaha Dhexe.

Cabsi Xoogan ayaa ka jirta oo shacabku waxay wadnaha farta ku hayaan iyagoo ka baqanaya in dagaalka uu korkooda ka dhaco.

Faah faahino dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here