Duufaano kusoo fool leh Xeebaha Bari ee Soomaaliya

Sida ay daabacday hay’ada lasocodka isbedelka Cimilada iyo Saadaasha Hawada, waxaa Xeebaha dhaca gobollada Bari ee Soomaaliya Isbuucaan soo socda kusoo wajahan Duufaan loogu magic daray “Four”, duufaantaan ayaa garaaci doonta Xeebaha, Bari, Nugaal iyo Mudug.

Duufaantaan loogu magic daray (Tropicalstorm) ayaa Sabtidii lasoo dhaafay habeenkeeda waxay ku dhufutay Cirifka bari ee Guardafui, oo qiyaastii 600 miles ujirta Xeebaha Soomaaliya.

Duufaantan ayaa la filayaa in maanta ay kusoo dhawaato xeebta gobalka Bari, Puntland ee dalka Soomaaliya, waxaana la qiyaasayaa in xoogeeda Duufaanta ay gudaha dalka usoo gasho subaxnimada hore 25ka December ee ku beegan maalinta Salaasada.

Sidoo kale hay’ada saadaasha hawada warbixinta ay soo daabacday waxay ku xustay in duufaantaan kusoo wajahan Xeebaha Soomaaliya ay wadato roobab aad u xoogan, Roobabka ayaa sida lasheegay billaaban doona subaxnimada Isniinta, waxayna socon doonaan ilaa Talaadada, Qiyaasta Roobabka di’I doona ayaa lagu sheegay 2-4 inches ama (50-100 mm).

Source:http://www.accuweather.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here