Holland oo kala hadlaysa Man United dhaawaca soo gaaray Van Persie

332593_heroa

Xiriirka kubadda cagta dalka Holland ayaa xiriir la sameeyay kooxda Manchester United kaddib markii uu soo baxay walaac ku saabsan dhaawaca soo gaaray Robin van Persie’ sidaas waxaa ku soo warramay, Goal.com.

Weeraryahankan ayaa dhowr kulan seegay sababo la xiriira dhaawaca soo gaaray, tababbare David Moyes ayaa dareemay in Van uu dhaawacan yahay.

Tababbare Moyes ayaa laga soo xigtya isagoo Van Persie si fiican muusan u cayaarin kulankii Tottenham ee Axadii horre, waxaa loo badinayaa in uu u baahan yahay baaritaan caafimaad oo dheeri ah.

Xiriirka kubadda cagta Netherlands oo loo soo gaabiyo KNVB ayaa sheegay 30-jirkan uu u baahan yahay nasiino maadama uu cayaaray labo xilli cayaareed oo isku xigga.

 Do I not like that | Van Persie does not look too impressed (Getty)

Tabbare Moys iyo Van Persie oo isla taagan

Bishii November, Van Persie waxaa laga saaray cayaartoyda xulka Netherlands’ kulan ay is arkayeen¬† Japan iyo Colombia sababo la xiriira dhaawac la soo dersay, sidoo kale wuxuu ka maqnaa kulankii United ka ay la cayaartay kooxaha Cardiff iyo Bayer Leverkusen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here