Duqeyn sababtay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo loo geystay deegaanka Kax-da.

Hal ruux ayaa ku dhintay lix kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki ay ciidamada AMISOM madaafiic ku garaaceen xaafada Kax- Shiiqaal ee duleedka degmada Dharkeenleey.

Duqeynta oo aheyd madaafiic u badnaa hoobiyeyaal ayaa bilaabatay inti lagu guda jiray salaada maqribka sida uu sheegay Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah dadka deegaanka kaasi oo  sidoo kalana xaqiijiyey qasaaraha.

“Walaaloow anaga oo ku jirno xiliga salaada ayey duqeynta nagu bilaabatay mana garaneyno sababta naloo beegsaday, hal ruux oo dumar ah ayaa dhimatay lix kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri.

Dadka dhaawaca ah ayaa waayey goob caafimaad oo ay ka helaan gurmad dag dag ah sababo la xiriira deegaanka oo aanan laheyn isbitaal iyo iyaga oo ku dhiira waayey in ay Muqdisho usoo qaadaan dhaawacyada maadaama ay habeen aheyd deegaankuna uu yahay furin dagaal.

Todobaadki lasoo dhaafay ayaa sidaan oo kale loo duqeeyeyey deegaanka Kaxda, waxaana ku dhaawacmay sadex ruux.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.