Duqeyn loo geystey kolonyo ciidamo ah oo marayay gobolka Sh.hoose

Warar dheeraad ah oo ku saabsan duqeyn loo geystey kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil iyo ciidamo Alshabaab ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan deegaano hoos yimaada gobolka Sh.Hoose.

Wararka ayaa sheegayaa in illaa toddobo sarkaal oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ay ku dhinteen duqeyntan iyo saddex kamid ah saraakiishan ay ahaayeen ajaaniib.

Duqeyntan oo ka dhacday deegaanka Lambar 60 ee gobolka Sh,Hoose ayaa dhawaaqa iyo iftiinka ka baxay duqeyntan laga arkay meelo fog fog, maadaama ay duqeyntan dhacday xilli habeenimo ah oo ahayd 03:00AM  waqtiga Soomaaliya.

Illaa iyo hadda lama oga cida ka dambaysay duqeyntan hase yeeshee waxaa la sheegay in ay ahaayeen duqeyntii ugu xoogga badnayd ee la maqlo ama ka dhaca deegaano ka mid ahgobolka Sh.hoose.

Illaa iyo hadda wax war ah kama soo bixin ururka Alshabaab ama Alqaacida ee duqeyntan la xiriirta.

Duqeyntan ayaa nooqnaysa tii ugu horeysay, tan iyo markii la ansixiyay in Al-Shabaab lagu duqeyo magaalooyinka ay haystaan, waxaana Shabaab ay hada iyagana wadaan abaabulo dagaal.