Duqeyn ku socota Magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo Ee xarunta Gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in Magaaladaasi ay Duqeyn xoogan oo ay geysanayaan Diyaaradaha dagaalka ee Dalka Kenya .

Wararka dheeraadka ah ee magaalada uu ka helayo warbaahinta ayuu u sheegaya in duqeyntu ay ku dhaceyso Gudaha Magaalada iyo Hareeraheeda uuna jiro Khasaaro badan oo ka dhashay Duqeynta sida ay ku warameen dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho

Xalaada ayaa hada ah mid kacsan dadka ayaana bilaabay kala carar xoogan iyadoona Wararka aan heleyno Kismaayo Shegayaan in Cabsi aad u daran magaalada ka jirto.

Wali lama oga Qasaaraha ka dhashay duqyntaan oo ilaa wali socota ,dadka badankood ayaana ku cararaya guryaha Shubka ah Magaalada ku yaala halka Qoysaska ku dhaqan Magalaadaasi ay isqebiyen qoloba meel u carartay si aysan hal meel waxyeelo ugu oo gaarin.

Waxii Warar ah Duqyntan kusoo kororta kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here