Duqeyn galabta loo geystay duleedka Kismaayo

Diyaaradaha dagaalka ee loo yaqaano Miiga ayaa maanta duqeyn cirka ah u geystay deegaanka Goobweyn ee gobolka Jubada Dhexe.

Sida ay sheegayaan saraakiisha ciidamada Dowlada, duqeymaha ayaa lala beegsaday fariisimo ay Al Shabab ku lahaayeen halkaasi kuwaasi oo aanan la ogeyn qasaaraha gaaray.

Wali wax war ah oo kasoo baxay Al Shabab oo ku aadan duqeymahaasi ma lahan, hase yeeshee waxa ay aad u wal wal geliyeen dadka deegaanka oo ay ku cusbedy duqeymaha.

Warar kale ayaa sheegaya in galabta ay diyaaradahan duqeeyeen duleedka magaalada Kismaayo, taasi oo ka dhigeysa in maalinti sadexaad ay Kenyanka beegsanayaan Kismaayo iyo hareeraheeda.

Kenya ayaa sheegatay duqeymahan oo ay ku sifeeyey kuwo ay ku bur burineyso saanadaha dagaalka ee xarakada Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here