Duqeymo lagu baaba,ay oo xalay loo geystay degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee Muqdisho

Inta la ogyahay 4 ruux ayaa ku dhimatay 10 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki xalay madaafiic hoobiyeyaal ah lagu garaacay xaafado ka mid ah degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Madaaficda oo sida la sheegayo ka imaaneysay meel ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ahaa sideed hoobiye oo is xig xigay waxaana ay ku dhacday guryaha dad rayid ah oo si nabad ah ku hurdayey.

Meelaha ay ku dhaceen waxaa ka mid ah xaafadaha Beyxaani, Seylaani iyo Suuqa weyn ee Maana Boolyo ee degmada Shibis, sidoo kale waxa ay ku dhaceen guryo u badnaa cooshado oo ku yaala Boondheere halkaas oo la sheegayo in dhaawacyada ay ku badanyihiin.

Sida ay sheegayaan goob joogayaasha madaafiicda ayaa bilowday xalay abaayo 2:00 habeenimo ee goorihi danbe habeenka markaas oo dadka intooda badan ay jiifaan, iyadoo dadka dhintay ay ku jirto hooyo umul aheyd.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn sababaha ka danbeeyey weerarkaasi ayaa hadana waxaa la leeyahay bartilmaameedka waxa uu ahaa xarunta Gaadiidka Booliska oo hada saldhig u ah ciidanka Booliska AMISOM ee ka kala socda Nigeria iyo Uganda.

Ma cada in halkaasi ay madaafiicda gaareen, sidoo kale lama sheegin in ay ciidamadaasi bixiyeen madaafiic jawaab aheyd, sidoo kale ma jirto cid sheegatay in wax war ah oo ay Dowlada kasoo saartay.

Duqenti xalay ayaa ka mid ah kuwi ugu xumaa ee ku dhaca deegaanada waqooyiga Muqdisho tan iyo marki ay halkaasi la wareegeen ciidamada Dowlada bishi August ee sanadki 2011 oo aheyd xiligi ay mar qura ka guureen Al Shabab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here