Duqeymo ka dhacay Jubada Hoose iyo Kenya oo sheegtay

Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa shalay duqeeyey deegaanada Xaliima Cadeey iyo Buula Xaaji oo hoos yimaada magaalada Kismaayo.

Duqeymaha oo dhacay shalay gelinki danbe ayaa la sheegay in lagu bartilamaameedsaday kolonyo gaadiid kuwa dagaalka ah oo ay la socdeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo marayey meel u dhaw Buula Xaaji.

Inkastoo aanan la ogaan karin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi sababo la xiriira goobta uu ka dhacay oo aheyd meel wada ah oo ka fog deegaanada ay dadka rayidka ah daganyihiin, hadana Kenya ayaa sheegtay in ay ku dishay ku dhawaad 100 ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab.

Afhayeenka ciidanka milatariga Kenya, Emanuel Chirchir ayaa sheegay in ay dileen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo beeninaya sheegashada Kenya oo maalmihi ugu danbeeyey ka waday koonfurta Soomaaliya duqeymo ay la beegsanayeen Al Shabaab iyo mararka qaar dad rayid ah oo aanan waxba galabsan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.