Duqeymo ka dhacay deegaano hoos yimaada magaalada Afmadoow

Diyaarado ayaa galabta duqeeyey deegaano ka tirsan magaalada Afmadoow ee gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha oo la sheegay in ay ahaayeen laba miig ayaa beegsaday saldhigyo ay Al Shabaab ku lahayeen deegaanada kala ah Janaay Cabdalla, Tartabo, Xanyo  iyo deegaanka kale ee lagu magaco Aflibaax.

Meelaha la duqeeyey maanta waxaa la sheegay in ay ahaayeen saldhiyo ay meelo duur ah Al Shabab ku lahaayeen oo aysanba ka ag dhaweyn dad rayid ah sida ay sheegayaan dhalinyaro dhuxulleey ah oo howdka ku jiray.

Inkastoo aanan si dhab ah loo tilmaami karin qasaaraha duqeynta, ayaa hadana waxaa la leeyahay waxaa jiro dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray Al Shabaab.

Duqeynta ayaa ah tii labaad oo gobolada Koonfureen ee Jubooyinka ay Kenya ka geysanayaan, shalay ayey duqeeyeen diyaaradaha dagaalka Kenya degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.