Duqeymihi ugu qasaaraha badnaa ee ay Kenya abid ka geysato Somalia ayaa galabta dhacay

Inta la ogyahay 11 ruux ayaa ku geeriyootay 21 kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib marki galabta laba diyaaradood oo ka mid ah kuwa dagaalka Kenya ay duqeeyeen deegaanka Hoosingo oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Diyaaradaha ayaa beegsaday fariisin ay Al Shabab ku lahaayeen deegaanka, hase yeeshee gantaalaha iyo madaafiicda ay ridayeen diyaaradahaan ayaa ku habsaday ilaa iyo sadex guri oo ay lahaayeen dad rayid ah sida ay xaqiijinayaan dad goob joogayaal ahi oo aan la xiriirnay.

Deegaanka Hoosingo ayaa 160km dhinka xadka Kenya uga beegan magaalada Kismaayo, sidoo kale waxa uu 90-km dhinaca waqooyi kaga beeganyahay magaalada Dhoobleey.

Nabadoon Maxamed Cumar Ibrahim oo ka mid ah odayaasha deegaanka oo caawa la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu indhahiisa ku arkay dhimashada 7 ruux balse wiilashiisa ay u xaqiijiyeen 3 kale oo raydi ah.

Dadka dhaawaca ah ayaa iyana lagu sheegay 21 ruux oo intooda badani rayid ahaayeen iyadoo laga cabsi qabo in dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badato.

Sida wararku ay sheegayaan weerarka waxaa dhaawac culus uu kasoo gaaray gudoomiyaha deegaanka Hoosingoo Saciid C/laahi, halka uu ku dhintay mid ka mid ah dagaalyahanada Al Shabab.

Waxyaabaha naxdinta leh ee laga soo sheegayo deegaankaasi ayaa ka mid ah iyadoo aysan ku oolin xarun xaafimaad dadkuna ay u dhimanayaan dhiig bax, nabadoon Maxamed Cumar ayaa sheegay in deegaanka laga helay 3 cirbid oo dhiig joojin ah oo qura oo uu nin ka mid ah dadka deegaanka magaalada kasoo iibsaday.

Isbitaalka ugu dhaw waa kan degmada Dhoobley waxaana uu u jiraa 90-km.

Weerarkaan ayaa ah kii ugu qasaaraha badnaa ee ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geystaan dalka Soomaaliya tan iyo marki ay soo galeen dalka mudo laba bilood laga joogo.

Wixii warar soo kordha kala soco bogga

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com