Duqa Magaalada Muqdisho oo u amba baxay dalka Turkiga

Waxaa goor dhow garoonka diyaaraha caalamiga ah ee Aadan Cadde ka  duulay wafdi uu hogaaminayo duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha  gobolka Banaadir oo ku sii jeeda magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.

Socdaalka wafdiga duqa Muqdisho ee dalka Turkiga uu ku tagayo ayaa  yimid kadib casuumaad rasmi ah oo dowladda hoose ee XAMAR ay ka heshay  dhigeeda magaalada ISTANBUUL.

Xubnaha socdaalka shaqo ee guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ku wehliyo ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenkiisa dhanka maamulka iyo maaliyadda mudane  Iimaan Nuur iikar, urban planner ka Muqdisho mudane Eng. Maxamed  C/qaaadir Axmed Shaan, lataliayah duqa magaalada mudane Cali Gaabow  iyo xunbno kale.

Socdaalka duqa magaalada iyo wafdigiisa ay ugu amba baxeen dalka  Turkiga ayaa waxa uu qeyb ka yahay dadaalada maamulka gobolka Banaadir  uu ugu jiro horumarinta magaalada iyo soo celinta bilicdii Muqdisho.

Ajandayaasha kulanka magaalada ISTANBUL ku dhexmari doona wafiga duqa magaalada Muqdisho iyo masuuliyiinta dowladda hoose ee ISTABUL ayaa  waxaa ugu waa weyn, sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo  ee Somalia iyo Turkiga iyo sidii Muqdisho ay Turkida ug a fulin  lahayeen mashaariic horumarineed.

Wafdiga uu horkacayo duqa magaalada Muqisho ayaa la filayaa in  booqashadooda ay qaadato muddo usbuuc ah.

Mohamed Yusuf

Press Officer office of the Mogadishu Mayor,

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.