Duqa magaalada Beledweyne oo maanta la doortay

Maxamed Xasan Nuuriye ayaa maanta loo doortay duqa magaalada Baladweyne kadib kulan doorasho ah oo ay Golaha Deegaanka ku yeesheen xarunta maamulka ee gobolka.

Doorashada ayaa waxaa soo abaabulay maamulka gobolka Hiiraan, waxaana isu soo taagay ilaa iyo afar murashax sida ay warbaahinta u sheegeen gudoonka gudiga Golaha Deegaanka Magaalada Baladweyne.

Mr. Nuuriye oo kasoo jeedo magaalada Baladweyne ayaa waxa sugaya shaqo adag gaar ahaan amaanka magaalada oo aad u qasnaa tan iyo marki ay dowlada KMG qabsatay 1-di bishi Janaayo ee sanadkaan.

Xalay oo ugu danbeysay magaalada waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowlada oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo kooxda Al Shabaab oo horay loogaga qabsaday magaalada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.